Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, in dad ka badan 200,000 oo qof ay ka carareen colaado dhashay doorashadi bishii December ka dhacday dalka Jamhuuriyadda AfriKada Dhexe.
Millatariga Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo garab ka helaya ciidamo ka kala socda Qarqamada Midoobay, Ruushka iyo Rwanda ayaa dagaal kula jira malleeshiyaad hubeysan oo diidan, natiijadi kasoo baxday doorashadi madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday 27-ki December, taasoo uu guul ka sheegtay madaxweyne Faustin-Archange Touadera.
Qaxootiga ka cararay colaadda dalkaasi, ayaa intooda badani u tallaabay dalka deriska la ah ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo.
Dalka Afrikada Dhexe oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 5 milyan oo ruux, ayaa ah waddan hodan ku ah Luulka, Dahabka iyo Alwaaxa. Dagaallo sokeeye ayaa ka jiray tan iyo marki talada xoog looga tuuray madaxweynihi hore, Francois Bozize.



