Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay qorsheyneyso inay dhawaan bilaawdo qabashada doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare xilli weli lagu mursansan yahay guddiyada doorashooyinka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa Risaala u sheegay in 10-15 Bishan ay dowladda qaban doonto doorashada xildibaannada Aqalka sare lagana bilaabi doono dowlad goboleedyada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed oo kamid ah Maamul Goboleedyada taageersan dowladda.
Guddiyada farsamada doorashooyinka ay dowladda Magacaawday ee lagu mursan yahay ayaa dhawaan waxaa ay doorteen guddoomiye iyo kuxigeenkiisa, kuwaas oo sidoo kale maalmaha soo socda soo saari doona jadwalka doorashada Xildhibaannada labada Aqal.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan & Wariye Maxamed Abuukar Dabaashe.