Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magaaladda Muqdisho kaga qeybgalay xafladd balaaran oo lagu soo dhoweynayo.
Xafladda waxaa ka qeybgalaya Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka Mahad Cawad, Goleyaasha DFS, Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladda Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in heshiiskii maamulada iyo Madaxtooyada Soomaaliya uusan aheyn mid u gaar ah iyaga oo sidoo kale ay ka qeyb ka yihiin xildhibaanada Golaha Shacabka.
Waxaa uu sheegay in heshiiska doorashada xildhibaanada laga doonaayo in ay meelmariyaan oo ay ku qancaan sidii loo hirgalin lahaa, xilli inta badan xildhibaanadii goobta khudbada ka jeediyay ay cabasho ka muujiyeen.
Waxaa uu ugu baaqay in la iscafiyo oo si guud looga wada shaqeeyo in doorashada guud ah ay dalka ka dhacdo.
Waxaa uu sheegay in la doonaayo in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee afartii sano ee lasoo dhaafay kasoo horjeeday asaga uusan ku colaadin doonin ay ka haraan tartanka xildhibaanada.