Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Shiinaha ku eedeeyay “karti-darro baahsan” wuxuuna ku tilmaamay Beijin “dil ballaaran oo adduunka ka dhacay”.
Liin dhannaanta iyo dawo dhireedka qaarkeed ayaa meelaha qaar laga soo tabiyay inay wax badan u tareen dadka uu ku dhacay xanuunka coronavirus, inkastoo wali aan caddeyn dhinaca seyniska ah loo heynin inay daawo u yihiin cudurka safmarka ah ee dunida ku faafay.
Dowladda Netherlands ayaa sheegtay in fayraska corona oo laga helay mid ka ah beeralayda dalkaas uu u gudbiyey ama ka qaaday xayawaan.
Shiinaha ayaa Mareykanka ku eedeeyay in ay ku xadgudbeen Beijing isla markaana ay mas’uuliyada u siiyeen WHO ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Trump uu ku hanjabay inuu ka bixi doono ururka.
Caalamka, waxaa jiray inka badan 4.9 milyan oo xaalado la xaqiijiyey ah oo ah COVID-19, in kabadan 323,000 oo qofna way dhinteen, sida laga soo xigtay jaamacada Johns Hopkins. In kabadan 1.7 milyan oo qof ayaa soo kabsaday.



