Home Covid19 Tirada dadka ugu dhintay deegaannada Soomaaliland Coronavirus oo korortay

Tirada dadka ugu dhintay deegaannada Soomaaliland Coronavirus oo korortay

Qoraal kasoo baxay Guddiga ka hortagga iyo wacyigelinta Cudurka u qaabilsan Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 20 uux oo looga shakisnaa Cudurka COVID-19 balse Cudurka laga helay 2 Ruux.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa sheegtay in qof qabay Cudurka uu ugu dhintay Magaalada Boorama kaas oo noqonaya qofkii 11aad oo Soomaaliland ugu dhinta COVID-19.

Tirada Guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus deegaannada Soomaaliland waxaa ay yihiin 721 qof 11 qof ay u dhinteen halka 10 Ruux at la Caafimaadeen.