Xulalka England & Scotland Oo Laga Ganaaxay Isticmaalka Ubaxa Gaduudan

FIFA ayaa ka mamnuucday calaamada loo yaqaano poppies ama Ubaxa gaduudan in ay isticmaalaan ciyaartoyda England iyo Scotland kulamada isreebreebka koobka adduunka todobaadka soo socda.

FIFA ayaa sheegtay in astaantaan ay tahay fariin siyaasadeed islamarkaana ana lagu soo dhajin karin dhinacyada maaliyada xulalkaan,

Calaamadaan ayaa xambaarasan farriimo siyaasadeed, diimeed ama ganacsi sida lagu fasiro.

Falklands Simon Weston oo xubin ka ah FIFA ayaa sheegay in FA-ga halis ugu jiraan ganaax madaama cioyaartooyda British markii labaad ay isticmaaleen calaamadaan siyaasadeed.

Waxa uu hadalkiisa raciyay: ” labada xul ee Scotland iyo England in ay u istaagaan sidii ay jawaab cad kaga bixin lahaayeen sababta ay u isticmaaleen calaamadahaan mamnuuca ah.

“Labada dalalka ayaa ka qeyb qaatay dagaal dhowr ah oo dunida ka dhacay waxaana loo badinayaa in ay kaga tarjumayeen fariimo siyaasadeed ama tacsi ay ugu muujinayaan askartoodii kaga geeriyootay dagaaladaas.