Cabsi Laga Qabo ISIS Oo Baajineysa Kulan Ka Tirsan Isreeb Reebka Koobka Aduunka

SAUDI ARABIA ayaa sheegtay in kooxdda islaamiga ah ee ISIS ay rabto iney weeraro ka fuliso kulan ciyaareedka Sacuudiga iyo Emirate-ka oo ka tirsan is reeb reebka koobka aduunka ee 2018.

Saxafiyiintu waxaa ay sheegeen in la xiray ilaa 8 qof kuwaas oo loo heysto iney doonayeen iney qaraxyo ku weeraran kulanka lugta labaad ee labada wadan ku dhex mari lahaa magaaladda Riyadh ee caasimada Sacuudiga.

Dadka la xiray ayaa isugu jiray labo qof oo u dhalatay Pakistan,mid Suriya u dhashay qof Sudan kasoo jeeda iyo 4 Sacuudiyaan ah.

Dowladu waxaa ay sidoo kale sheegtay iney jiraan dad badan oo laga shakisan yahay iney dhibaato maleegayaan oo wali lsgu raad joogo.

Lugtii hore ee labadaan wadan Sacuudiga ayaa ku badiyay 1-0, markaas ayaan la sheegay in qorshahaan la waday ,laakiin loo badalay lugta labaad.

Sacuudiga ayaa hada hogaanka u haya Group-kiisa.