DHAGEYSO WAREYSI : Ku saabsan xaalada Qandala

Wararka inaga soo gaaraya Magaalo xeebeedka Qandala ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay fiidkii ay ku soo dhawaadeen Maraakiib Dagaal, kuwaas oo ay wataan Ciidamada NATO.

Magaalada Qandala waxaa ku sugan ururka Daacish oo dhowaan halkaasi la wareegay, waxaana halkaasi ka barakacay dadkii ugu badnaa.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa shalay gelinkii dambe laga dejiyay Dooman ay saaran yihiin dad aad u fara badan, kuwaas oo ka soo barakacay Magaalada Qandala.

Gudoomiyaha Degmada Qandala oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay in cabsi badan ay ka jirto Degmada Qandala, maadaama ay xeebta Qandala ku soo dhawaadeen Maraakiib ay wataan Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.