Cadaado-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG-ka ah ee Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Amaanka Magaalada Cadaado Ciidanka AMISOM ee dhowaan halkaasi la geeyay.
Ciidanka AMISOM ee la geeyay Magaalada Cadaado ayaa waxa ay kala socdaan Dalalka Jabuuti iyo Burundi, waxaana hada si toos ah loogu wareejiyay in ay sugaan Amnigooda Madaxtooyada Galmudug iyo xarunta Kafaale.
Diyaardo ay leeyihiin Qaramada Midoobay ayaa horey Ciidanka AMISOM loogu geeyay Magaalada Cadaado, waxaana ay tiradooda gaarayaan ilaa iyo 400 oo Askari.
Madasha Wadatashiga Qaran ayaa horey isugu raacay in Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud la geeyo Askar ka tirsan Ciidanka AMISOM, si ay u sugaan Amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Maamulka Galmudug.


