Beledweyne-RisaalaFM- Ciidamada Amaanka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gooblka Hiiraan ayaa xanibay isu socodka wadooyinka qaar ee Magaalada Beledweyne.
Waxaa la arkayay wadooyinka Magaalada Beledweyne oo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska gaar ahaan kuwa Amniga dhaq dhaqaaq amni ka wada.
Saraakiisha Amniga Magaalada Beledweyne oo aan xiriir la sameynay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan sababaha wadooyinkaasi loo xanibay.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa dhowaan magacaabay Guddi loogu magacdaray Guddiga Amniga Gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha Guddiga Amniga Gobolka Hiiraan oo aan xiriir al sameynay ayaa sheegay dhaq dhaqaaqan Ciidan ujeedkiisa in uu yahay sugida Amniga.
Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah Magaalooyinka lagu soo xulayo xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee Maamulka Hirshabeelle.


