Taliyaha ciidamada Uganda ee AUSSOM oo amar dul dhigay ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Uganda ee ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Sareeye Guuto Jackson Kayanja, ayaa ku amray ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya inay xoojiyaan anshaxa, xirfadda iyo u hoggaansanaanta awaamiirta, xilli uu mugdi galay mustaqbalka maalgelinta hawlgalka.

Taliyaha ayaa hadalkan ka jeediyay xarunta Sector One ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in anshaxu yahay tiirka ugu muhiimsan ee badbaadada askariga, guusha howlgalka iyo horumarka mustaqbalka ciidanka.

“Anshaxu waa furaha nolosheenna, guusheenna iyo horumarka shaqadeenna. Ka fogaada wax kasta oo dhaawacaya sumcaddiinna iyo qiyamkiinna,” ayuu yiri Brig. Gen. Jackson Kayanja, isagoo askarta ku boorriyay inay ilaashadaan magaca iyo sumcadda Uganda inta ay ka howlgalayaan Soomaaliya.

Sareeye Guuto Kayanja ayaa carrabka ku adkeeyay in askari kasta oo Uganda ka socda uu matalayo dalkiisa, isla markaana hab-dhaqankiisu saameyn ku leeyahay sumcadda Uganda ee caalamka.

Wuxuu xusay in ilaalinta nidaamka, ixtiraamka silsiladda taliska iyo ku dhaqanka xeerarka dagaalka ay muhiim u yihiin guusha howlgalka.

Sidoo kale, Ku-xigeenka taliyaha ciidanka Uganda ee Soomaaliya, Col. Jude Rukubya, ayaa ugu baaqay ciidamada inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana ay ixtiraamaan dhaqanka iyo hiddaha shacabka Soomaaliyeed.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli hawlgalka AUSSOM uu weli taageero siinayo ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab, iyadoo isla markaana ay soo baxayaan warar sheegaya in Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta nidaamka saadka ee Qaramada Midoobay, taas oo saldhig u ah hawlgalka AUSSOM.

Haddii arrintaasi hirgasho, waxay saameyn ku yeelan kartaa sii socoshada, awoodda iyo dhaq-dhaqaaqa hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, xilli ciidamada AUSSOM ay laf-dhabar u yihiin taageerada amni ee dowladda Soomaaliya.