Jose Mourinho ayaa ku iibsaday saacadiisa Lix iyo Tobban kun oo pounds si uu ugu darro lacago sadaqo ah oo loo uruurinayay hay’adda Unicef.
Mourinho iyo ciyaartooydiisa kooxda Manchester United ayaa lagu casuumad xalay xaflad casho ah oo ay soo qaban qaabisay Unicef.
Special One ayaa xaraashay xalay dhowr kamid ah agabkiisa uu isticmaalo, markaasoo loogu magacdaray macalinkaan Mourinho Collection, kadib markii uu sameyn ku yeeshay xaflada, isagoo ku iibiyay dhowr kamid ah agabkiisa.
Waxyaabaha uu goobta ku iibiyay Mourinho waxaa kamid ahaa agabkiisa gaarka ah ee shabakadda Adidas, safaleetiga lagu xirto qoorta, iyo saacadii uu xirnaa.
53-sano jirkaan ayaa la sheegay in saacadiisa uu ku xaraashay £ 16,000, si uu ugu daro sadaqo uruurinta ay waday hay’adda Unicef.
Mourinho ayaa kaligiis waxa uu xaflada xalay kasoo xareeyay £ 30,000 iyadoo qorshaha ama lacagta Unicef ay u baahneyd ay aheyd £ 215,000, sida ay ku warameyso Manchester Evening News.


