DHAGEYSO: Xukuumada Soomaaliya oo ka warbixisay Shirkii ka furmay Turkiga

Waxaa maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka furmay Shir loogu hadlayo Siyaasada iyo amniga Soomaaliya. Waxaana uu shirkaan socon doonaa muddo labo maalmood gudahooda.

Shirkan ayaa waxaa marti-gelinaya dowladda Turkiga, waxaana shirka si wadajir ah u furay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Mxamuud iyo Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa ee dalka, Madaxda Maamul goboleedyada dalka, waxaana shirkaan aan goob joog ka ahayn maamulka Puntland, xubno ka socda beesha caalamka, iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya iyo ururada bulshada rayidka.

Wasiirka Wasaaradda qorsheynta ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ceynte ayaa ka warbixiyay furitaanka shirka iyo qodobadii loogu hadlay.

Sidoo kale shirka waxaa lagu taageeray qodobadii ka soo baxay shirka madasha wadatashiga Qaran iyo doorashada ka dhaceysa Soomaaliya.