XOGA MUHIIM AH: Miyaad Ogtahay Ibrahimovic inuu ku sugan yahay meel u dhaw Old Trafford

Kabtanka Sweden ayaa si xoogan loola xiriirinaayey inuu u dhaqaaqo Old Trafford oo uu la wareegi doono shaqadisa tababarihii hore ee Inter Milan Jose Mourinho.

Ibrahimovic ayaa ka tagay Paris Saint-Germain si xor ah ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa iyadoo United kamid tahay kooxaha isku deyeya inay la saxiixdaan.

Horyaalada MLS iyo kooxaha Chinese Super League iyo AC Milan ayaa sidoo kale lala xiriiriyay xiddiga reer Sweden, laakiin waxa uu hadda la sheegay in uu usafray magaalada Manchester.

saaxiib ku dhow oo lagu magcaabo Alexander Ostlund, ayaa sawir uu soo dhigay Instagram in wax gaar ah ay tahay in  Zlatan uu kusoo dhaweyo halkaan.

sawir kaftan ah ayaa muujinayay in Ibrahimovic uu kusugnaa albaabka laga galo garoonka Manchester iyadoo taagerayaal badan ay soo dhaweynayeen.

Lakiin weli majiraan warar xaqiiqo ah ooo arinkaan cadeynaya.