Howlgal lagu rarayo qaxooti oo ka socanaya Mecedonia

Mas’uuliyiinta Giriiga, ayaa bilaabay howlgal ay ku rarayaan kumannaan muhaajiriin iyo qaxooti isugu jira oo ku noolaa xera la yiraahdo Idomeni, oo u dhow xuduudda Macedonian.

Boqolaal boolis ah oo tagay xeradaasi ayaa bilaabay in dadka ay ku daad gureeyaan basas, kuwaas oo lagu geynayo xeryo rasmi ah oo addeegya fiican leh.

Dowladda Giriiga ayaa sheegeysa in howlgalkan si tartiib ah loo sameynayo uuna soconayo dhowr maalin, booliska dalkaasina waxa ay sheegeen in aysan damacsaneyn in dadka ay u isticmaalaan awood dheeraad ah.

Ilaa 8,000 oo muhaajiriin ah ayaa ku noolaa xerada Idomeni muddo bilooyin ah, kaddib markii Mecedonia iyo dalal kale ay ka hor istaageen in ay u gudbaan dalalka waqooyiga Yurub.