XOG:- Conte Oo Waqti Dambe U Yeeri Doona Diego Costa

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa la soo warinayaa inuu sugayo Go’aanka uu ka gaarayo Costa ilaa iyo daqiiqada ugu dambeysa maadaama aan wali la kala cadeyn in Xidigaan uu diyaar yahay iyo in kale.

Taam ahaanshaha Diego Costa kulanka kooxdiisa Chelsea ay Axada wajaheyso Middlesbrough ayaa shaki weyn la gelinayaa, waxaana macalinka Naadiga Blues-ka uu ka walwalsan yahay inuu waayo Weeraryahankaan oo xilli ciyaareed fiican ku jira.

28-sano jirkaan ayaa laga saaray xulka qaranka Spain horaantii todobaadkaan, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray Carjowda kulankii Chelsea 5-0 kaga adkaatay Everton.

Sida laga soo xigtay Majalada The Express, Conte ayaa qorsheynaya inuu ka tago Costa waqtiga ugu dambeeya oo ay ku guul dareystaan la tacalidiisa Kooxda caafimaadka.

Bedelka Diego Costa ayaa la ciyaarsiin doonaa Michy Batshuayi, oo looga fadhiyo inuu isku muujiyo ciyaartaasi.