Waa kuma ? Bal Eeg Yaa Chelsea Dib Ugu Soo Laabanaya

Halyeyga Naadiga Blues ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo horyaalka MLS iyo New York City, waxaana si cajiib ah loola xiriirinayaa ku soo laabashada garoonka Stamford Bridge.

Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay ugu yaboohdo heshiis Frank Lampard uu ku imaanayo Stamford Bridge waxaana soo dhamaaday waqtigiisa Major League Soccer, sida uu qorayo Wargeyska Daily Mail.

38-jirkaan ayaa ku dhawaaqay Isniintii inuu ka tagayo New York City, Laakiin wuxuuse wali sii wadan doonaa inuu ku jiro waayahiisa ciyaaraha.

Lampard ayaa America aaday sanadkii 2015, ka dib markii uu soo gaba gabeeyay waaya ciyaaredkiisa Premier League wuxuun soo maray kooxaha West Ham, Chelsea iyo Manchester City isagoona ku guuleystay Sedexda Horyaal, Afar koob FA Cup, Champions League iyo Europa League xulkiisana wuxuu u saftay 106 kulan.