Real Madrid ayaa heshay war yididiilo leh oo ku saabsan dhaawacayadeeda ka hor kulanka ay wajahayaan kooxda Atletico Madrid.
Daafaca Sergio Ramos ayaa dib u bilaabay tababarka kooxda ka dib markii uu ku maqnaa dhaawac isbuucyadii lasoo dhaafay dhaawac jilibka ah.
Daafaca reer Spain ayaan u ciyaarin Madrid tan iyo kulankii 2-2 Champions League la galeen Borussia Dortmund September 27.
Laakiin waxa uu u muuqdaa mid kasoo kabsaday dhaawaca uu qabay wakhtigaan.
Ramos ayaa diyaar u ah kulanka Atletico kadib markii uu si wanaagsan u qaatay tababarkii maanta sameysay kooxdiisa.
Tababare Zinedine Zidane ayaa goor hore xaqiijiyay soo laabashada Modric oo dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa.


