Xildhibaano laga soo badbaadiyay Qaraxa iyo weerarka Kismaayo

Xildhibaano  ka tirsan Aqalka Sare ayaa laga soo badbaadiyay Weerarkii iyo Qaraxyadii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteel ku yaalla Magaalada Kismaayo.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland Ciidanka howlgalka ka wadda Hoteelka Cascasey ayaa soo badbaadiyay xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xildhibaan Caana Nuug iyo Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa ka mid ahaa Xildhibaanka Hoteelka laga soo badbaadiyay, waxaana hadda wali socda howlgalka badbaadinta.

Wasiiro ka tirsan Jubbaland ayaa ka mid ahaa sidoo kale dadka Ciidanka Nabad suggida Jubbaland ay soo badbaadiyeen.