Xildhibaannada kala ah Xuseen Carab Ciise iyo Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir oo ka kala tirsanaa Xisbiyada Himilo Qaran iyo UPD ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen inay Iska casileen Xubinimadii Xisbiyadaas.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa qoraal uu u direy hoggaanka Xisbiga Himilo Qaran oo uu ka tirsanaa ayaa waxaa uu ku yiri”Maanta oo taarikhdu tahay March 2 2020 Waxaan iska casilay xilkii Guduga Fulinta iyo xubinimadi xisbiga Himilo Qaran. Waxaan uga mahad celinaya saxiibadi aan so wada shaqaynay,hayeeshee Xildhibaanka uusan shaacin sababta ka dambeysay.
Dhinaca kale Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir oo iska ka tirsanaa Xishiga UPD ayaa qoraal uu isaga casiley Guddoomiye kuxigeenkii Xisbiga iyo Xubunimadii Xisbiga waxaa uu u gudbiyey Guddoomiyaha Guddigaas,hayeeshee uusan sheegin sababta uu isku casiley.
Si kasta ka bixitaankaan labada Xildhibaan ee Xisbiyada Himilo Qaran iyo UPD ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli Shir ay leeyihiin Madasha Xisbiyada Qaran uu ka socdo dalka Turkiga.





