Dhageyso:-Xildhibaan ku baaqay in Ciidanka Kenya laga saaro Somalia

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay  in dowladda Kenya ay faargelin toos ah ku heyso Soomaaliya,isla markaana ay tahay in la iska difaaco.

Waxaa uu sheegay in Kenya,iyada oo soo adeegsaneyso dad Soomaali ah ay doonayaan inay dhacaan Dhulka Soomaaliyeed iyo Badda Soomaaliyeed,hayeeshee loo baahan yahay in Shacabka soomaaliyeed iyo dowladooda inay ka hor tagaan.

” Dalka waa lagu soo duulay Kenya ku soo duushay waxaan rabnaa in la iska difaaco maanta ma joogto mucaarad iyo muxaafid oo Kenya dadkeena ayey taango iyo hoobiyeyaal ku garaaceysaa ayuu yiri”Xildhibaanka.

Isaga oo sii hadlayay ayuu ku baaqay in Ciidanka Kenya gebi ahaanba laga saaro Soomaaliya,isaga oo guddoonka Golaha ka codsadey inay Baarlamaanka horkeenaan qaraarka dhan ah Ciidanka Kenya.

Hadalka Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar  ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay fareglin kenya ku heyso Soomaaliya,hayeeshee Dowladda Soomaaliya ay beenisay.