Wasiirka Warfaafinta dawlad goboleedka Jubbaland Eng, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamad oo Warbaahinta kula hadley deegaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa faah faahin ka bixiyey dagaalkii Maanta ka dhacay degmada Beled-Xaawo.
Waxaa uu sheegay in Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay dhawaan geysay degmada Beled-Xaawo ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Ciidanka Jubbaland balse ay iska difaaceen.
Wasiirka ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,hayeeshee waxaa uu ku eedeeyey Dowladda Soomaaliya inay kasoo jeesatay la dagaalanka Al-Shabaab kuna bedeshay burburinta Dowlad Goboleedyada dhigay,sidoo kalena colaad ka abuureyso deegaano nabdoon waa sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Jubbaland ay mar walba diyaar u tahay inay iska difaacdo cid walba oo kusoo xad gudubto,isla markaana wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhashay ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto Dowladda Soomaaliya.
Si kastaba Saraakiil u hadasha Ciidanka dowladda ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegeen inay guul ka gaareen dagaalkii dhacay lana wareegeen Xarumihii ay ku sugnaayeen Ciidanka Jubbaland.



