Xildhibaanada Uganda oo ka walaacsan dhimitaanka mushaarka AMISOM

Baarlamaanka Uganda ayaa walaacsan  niyad jabka  iyo hufnaan la’aanta ciidanka  Uganda ee ku sugan Soomaaliya kana mid ah howlgalka Midowga Afrika si ay ula dagaalamaan Xarakada Al-Shabaab .

 

Sida laga soo xigtay Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Gudaha, mushaartka ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya ayaa toos loo qaadan muddo dhan 4 bilood ,iyaga oo kujira dagaalo culus iyo weeraro is qarxin ah oo ay kala kulmaan Al-shabaab.

 

 

Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Gudaha baarlamaanka Uganda,ayaa tilmaamay in xukuumada looga baahanyahay in ay dib u eegaan shuruudaha joogitaanka ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya ,islamarkaana ay gartaan doorka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

 

Dhawaan Ururka Midowga Yurube EU waxa uu sheegay in ay dhimeen 20 boqolkiiba dhaqaalaha ciidanka Midowga Afrika AMISOM,taasna waxay waalaac ku beertay dowladda Uganda.