Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabado ay xilalka kula wareegaayeen Qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha Cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Munaasabadaha xil Wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyihii Hore ee degmada Xamar-weyne Saciid Cabdulqaadir Saciid ayaa maanta Xilka ku wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg.
Gudoomiyihii ee degmada Xamarweyne oo ka hadlay goobta xil wareejinta ayaa waxaa uu sheegay in tii xilka haayay in uu qabtay waxbadan ,isagoona sheegay in degmada uu ka hirgaliyay Maxkamad.
Dhankale Gudoomiyaha cusub ee degmada ayaa Balanqaaday in uu shaqada kasii wadi doono halkii uu marsiinayay Saciid Cabdulqaadir Saciid.
Waxaa sidoo kale Maanta Xilka la wareegtay Gudoomiyaha Cusub ee degmada Shangaani Basmo cumar Axmed, waxaana ay xilka kala wareegtay Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir.
Gudoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa intooda badan xilka la wareegay.
Dhawaan ayay aheyd Markii Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya 15 Gudoomiye u magacowday degmooyinka gobolka Banaadir.



