Ciidamada Milatariga Kuuriyadda Waqooyi ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ay kasoo Afduubteen Meel ka baxsan Biyaha Soomaaliya dooni Kalluumeysi oo laga leeyahay dalkaasi.
Wasaaradda Difaaca dalka Kuuriyadda Waqooyi ayaa sheegtay in doonidaasi ay saarnaayeen Shaqaalo u dhashay dalkaasi iyo sidoo kale shaqaale kale oo u dhashay Qaar ka mid ah dalalka Qaaradda Asia.
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda dowladda kuuriyadda Waqooyi ayaa wadda dadaallo xooggan oo ay ku doonayaan in ay kusoo Furtaan doonidaasi ay soo Afduubteen Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.
Dowladda Kuuriyadda Waqooyi ayaa xustay in ay aaminsan tahay in doonidaasi lala soo aaday xeebaha Soomaaliya ,maadaama ay ka luntay qadkii lagula socday.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa dhawaan xaqiijisay in uu gacanta u galay kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida Markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Iiraan.
Afduubkaasi ayaa ka dhacay xeebaha degaanada maamulka Puntland, waxaana kooxaha burcadbadeeda Markabkaasi ay la aadeen dhanka degaanka Gardafuu ee gobolka Bari.
Sanadkaan oo keliya, burcadda waxaa ay afduubteen 3 markab oo kale, laakin dhammaan waa laga soo celiyay.
Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey Bishii November ayaa lagu sheegay in Saddex sano lagu guuleystay in aysan Afduub geysan Kooxaha Burcadbadeeda.


