Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lala beegsaday ciidamo boolis ah oo ka tirsan Afghanistan iyo ciidamo maraykan ah ,Waxaana qaraxaasi ku dhintay 18 qof sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda.
Mubariz Zadran, oo ah afhyeenka maamulka gobolka Khost ayaa sheegay in uu qaraxa ka dhacay meel u dhaw garoon iyo meel basaska laga raaco oo ku taala caasimada gobolka Khost.
“Waxaa ku dhimatay 18 qof waxaana ku dhaawacmay 10 qof oo kale oo ay ku jiraan carruur “ ayuu yiri Zadra
“bartilmaameedka qaraxa ayaa ahaa ciidamada booliska Afghanistan iyo ciidamo Maraykan ah,balse inta ugu badan waxa uu dhibka kasoo gaaray dad shacabka.”ayuu hadalkiisa kusii daray Afhayeenka
Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaa ka dhacay gobolka Khost balse inta badan weererada nuucaan oo kale waxaa sheegan jiray ururka daalibaan ee ka dagaalama wadamada Afghanistan iyo Pakistan.



