Manchester United ayaa 66 milyan oo ginni ku dooneysa xiddiga Chelsea Willian, sida laga soo xigtay Tuttosport.
Red Devils ayaa xiiseyneysa xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Brazil, kaasoo lala xiriirinayo inuu ka tagayo Blues.
Willian oo 29 sanno jir ah ayaa shan xilli ciyaareed ku qaatay Stamford Bridge, isagoo doortay inuu ku biiro kooxda ka dhisan Galbeedka London ka hor inta uusan heshiis afka ah la meel dhigin Tottenham.
Laakiin, inkastoo xiddiga garabka ka ciyaara labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay keydka ka aha kooxdiisa, haddana wuxuu haaatan heystaa fursad weyn oo uu ku ciyaari karo.
Mourinho oo taageere wayn u ah ciyaryahanka wuxuu doonayaa inuu usoo dhaqaajiyo garoonka Old Trafford.
Barcelona ayaa si weyn ugu dhawaatay saxiixa ciyaaryahankaan ka hor inta aysan la saxiixan Malcom xagaagan.



