Xidig oo ku baaqay dhameynta khilaafka DFS & Jubbaland

Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Xubnihii Isbedel-doonka Jubbaland ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Xildhibaan Xidig waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ay yihiin laba aan kala maarmin,isla markaana  dowladda Federaalka looga baahan yahay inay la timaado tanaasul.

Waxaa uu ku baaqay in la dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland,isla markaana la fiiriyo danta Shacabka ku nool deegaannada Jubbaland.

Hadalka Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli isla maanta Madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin inay wada-hadal la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.