Axmed Madoobe oo ka hadlay fatahaada Wabiga ee Baardheere

Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay dhibaatada  ka dhalatay fatahaada uu Wabiga Jubba ka sameeyey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in dhibaatooyinka dabiiciga ah ay yihiin kuwo u baahan in gurmad deg deg ah laga sameeyo isagoo xusay in xili roobaadkan ay jiraan fatahaado iyo daadad dhibaato ku ah Bulshada tabarta yar si gaar ahna deegaanada Jubbaland.

Waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray in  ilaa hadda deegaannada dhibaatooyinka laga soo sheegay ay kamid yihiin Degmada Baardheere iyo qaar kamid ah Jaziiradaha Gobolka Jubbada Hoose dhamaan dhinacyada ay qusayso ayuu ugu baaqay inay ka qayb qaatan gurmadka loo samaynayo dadka ay saamaynta ku reebeen xaaladaha dabiiciga ah.