Laftagareen oo ka hadlay fatahaadaha Baardheere & Khardho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay  dhibaatada ka dhalatay fatahaadka uu sameeyey Roobabkii Gu”ga ahaa ee ka Da”ay Degmada Baardheere iyo Degaanadda hoosyimaada kaasi oo Barakaciyey in ka Badan 500 oo Qoys oo Biyuhu saameeyeen,waxaana Sido kale Madaxweynaha ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada, iyada oo dalkeenna ay ka jirto halis caafimaad oo la tacaaliddeeda ay Socoto.

Ilaa iyo Hada Majirto Dhimasho ka Dhalatay Fatahaadka Biyaha Degmada Baardheere walow ay Jiraan saamayn Hanti ay geysteen Biyaha.