Xiddigii Khadka Dhexe Ee Ugu Fiicnaa Taariikhda Premier League Oo La Magacaabay – Paul Scholes

Ciyaartoyda Arsenal ayaan ku faraxsaneyn in Mesut Ozil la cambaareeyo ka dib markii uu diiday inuu mushahar dhimis sameeyo, sida ay qortay jariirada The Sun.

Xiddiga khadka dhexe ayaa la sheegay inuu ka mid yahay seddex ciyaaryahan oo diiday codsigii kooxda ee ahaa inay mushaharkooda dhimaan muddo sannad ah 12.5 boqolkiiba.

Wararka ayaa sheegaya in Ozil uu diyaar u yahay inuu lacag intaas ka badan ka dhimo mushaharkiisa haddii Arsenal ay u xaqiijiso sida ay laacgta u isticmaali doonto.

Laakiin go’aankii uu gaaray ka dib, Ozil ayaa cambaareyn weyn kala kulmay shaqsiyaad magac leh sida Piers Morgan iyo Jamie Carragher kaasoo sheegay in Ozil uu gool iska dhaliyay.

Daadihiyaha barnaamijka Good Morning ahna taageero ku waalan Arsenal Piers Morgan ayaa isna sheegay inay ceeb ku tahay Ozil go’aanka uu qaatay.

Sida ay qortay jariirada The Sun, ciyaartoyda Arsenal kuma faraxsana sida loola dhaqmay Mesut Ozil ka dib markii la shaaciyay go’aankiisa.

Warbixinta wargeyska ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaar ka mid ah ciyaartoyda Arsenal ay dareemeen in cadaadis lagu saaray inay ogolaadaan mushahar dhimista, islamarkaana go’aanka mushahar dhimista la gaaray markii uu Mikel Arteta soo dhex galay.