Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa gacanta ku dhigay daroogo ka kooban 48 jawaan oo lagu soo dejinayey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Daroogadan ayaa halis ku ah badqabka bulshada, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo cidda iyo shabakadaha ka dambeeya soo dhoofinta.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay inuu adkeyn doono dagaalka lagula jiro dambiyada daroogada, isagoo uga digay cid kasta oo ku lug leh in tallaabo adag laga qaadi doono.
Halkan Hoose ka akhriso.




