Xavi Oo Ku Riyoonaya Inuu Noqdo Macalinka Barcelona

Xidigii hore Barcelona Xavi Herandnez ayaa ku riyoonaya inuu maalin noqdo tababaraha Barcelona, balse wuxuu si cad u shaaciyay inuusan ku jirin meegaarka badalka tababaraha haatan ee Luis Enrique.

Luis Enrique wuxuu todobaadkii hore ka dhawaajiyay inuu isaga tagayo shaqada kooxda Catalonia ka dhisan marka uu xagaagan dhamaado, balse nuxnuxleyn hoose ayaa soo jeedineysa in Xavi uu ka mid yahay liiska badalka Enrique.

Si kastaba, 37-jirkaan haatan ka tirsan kooxda Al Sadd ee dalka Qatar ayaa aad u daneynaya inuu mar uun qabto xilka Barcelona, balse wuxuu meesha ka saaray inuu si dhaqso leh ugu soo laabanayo koodisii hore madama uusan qibrad weyn laheyn.

“Inaan noqdo macalinka Barcelona waa riyadeyda” ayuu yiri Xavi oo la hadlayay Le Parisien. “Waxaan hayaa jidkii lagu sameyn lahaa qorshe dhab ah. waxaan ka shaqeynayaa inaan noqdo macalin, wali ma aanan hanan calaamadii tababarnimo”