Xidigii hore ee Manchester United Rio Ferdinand ayaa sheegay in Louis van Gaal uu guul dareystay xitaa hadii uu ku guuleysto koobka FA Cup oo final-kiisa uu maanta ciyaarayo.
Naadiga lagu naaneeso Red Devils ayaa ciyaar adag kula balansan Crystal Palace garoonka Wembley.
Si walbo ay ahaataba, Ferdinand ayaa aaminsan in u soo bixida Champions League ay had aka muhiimsan tahay ku guuleysiga koobka FA cup.
Van Gaal ayaa ku dhameystay kaalinta Shanaad ee kala horeynta horyaalka waxaana Ferdinand uu ku dhaleeceeyay macalinka Dutch-ka inuu seegay muhiimadii ugu weyneyd ee laga rabay.
‘Inuu garaaco Palace waxba kama bedeli karto sanadkiisa fashilka ku dhamaaday, sababtoo ah ma aysan u soo bixin kooxda tartanka Champions League. Waana wax iska fudud FA cup,’ Ferdinand ayaa sidaas u sheegay The Sun.


