Xafladda caleema-saarka madaxweynaha Jabuuti oo socota+Sawiro

Xafladda caleema -saarka Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar geelle ayaa ka socota dalka Jabuuti.

Caleema saarka Madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb galaya madax ka socota dalalka Caalamka iyo sidoo kale Bariga Afrika.

Madaxda ka qayb galaysa ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ,madaxweynaha Puntland, Somaliland wasiiro,xilidhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti heyn doona shanta sano ee soo socota isaga oo xilkaasi hayey 17kii sano ee lasoo dhaafay.

wwwwwwwwwww wwwwwwwwwww wwww