Yannick Bolasie iyo Troy Deeney ayaa bartilmaameed xooga u noqday koxda ku guuleysatay Horyaalka Ingiriiska ee Leicester City,
Labada ciyaaryahan ayaa lasoo bandhigay lacag dhan £ 40million in ay ku qadan doonto kooxda Dabacooyinka
Claudio Ranieri ayaa haatan qorsheynaya inuu horyaalka Premier League difaacdo dagaalka Champions League uu meel fiican ka garo.
Bolasie ayaa bartilmaameed ay kaga dhigatay Leicester City £ 20million iyado kooxdiisa Crystal Palace aqbali karto.
26-sano jirkaan ayaa qalbigiisa waxaa kujira sida uu hore u sheegay inuu u dhaqaaqo koox weyn oo Ingiriiska ka dhsian – laakiin Ranieri ayaa kusoo jidan kara garoonka Power King.
Deeney, oo 27 jir ah, ayaa muddo dheer waxaa xiiseyneysay kooxda heysata horyaalka kadib markii Watford usoo dallacsiiyey xili ciyaareedkii hore Horyaalka heerka koobaad.
Arsenal ayaa ka fakareysay isaga horaantii xilli ciyaareedkaan in ay soo qataan, alkiin waxaa loo sheegay in lagu heli karo £ 20million.
Deeney ayaa sidoo kale ay u badan tahay inuu ka tago kooxdiisa madaama uu isku dhac kajiro qolka labiska kooxda.


