Shabaab oo sheegay hubkii lagu qabsaday dagaalkii Runnirgood in lagu dagaalamayo AMISOM iyo Dowladda

Ururka Al-shabaab ayaa ka hadlay dagaalkii dhawaan dhex maray ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku  dhinaca iyo ururka Al-shabaab .

Ururka ayaa sheegay dagaalkii ka dhacay degmada Runnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku furteen  hub aad u farabadan,islmarkaana dowladda iyo AMISOM ay kusoo weerari doonaan hubkaas.

Wakiilka Al Shabaab u qaabilsan Gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub oo ka hadlaayay Masaajid ku yaal Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ayaa soo hadal qaaday hubkii ciidamada Shabaabka ay gacanta ku dhigeen.

Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in ay dowladda ka qabsadeen hub aad u farabadan .

“Waad arki kartaan hubka aan ku furanahay dagaalkii degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ,dowladda AMISOM ayaan kusoo weerari doonaa hubkaas ayuu yiri”  Sheekh Xasan Yacquub.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-shabaab ayaa waxaa dhex maray dagaal xoogan kasoo ka dhacay degmada Runirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.