Dowladda oo lagu wareejiyey qayb ka mid ah qalabka Saadaasha hawada Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay sheegtay in qalabka  hawada qaybo ka mid ah lagu soo wareejiyey dowladda Soomaaliya,muddo 25 sano ah ka dib.

Safiirka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay dalka Kenya Danjire Jamaal Maxamed Xasan  ayaa sheegay in qeyb ka mid ah  qalabka saadaasha hawada ee laga keenay dalka Kenya lagu wareejin doono maamulka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Safiirka  Soomaaliya u jooga dalka Kenya danjire Jamaal Maxamed  Xasan  ayaa sheegay in ay muhiim tahay dowladda Soomaaliya lagu soo wareejiyo maamulka saadaasha hawada Soomaaliya.

Muddo ka badan 25 sano waxaa gacanta dowladda Soomaaliya ka maqnaa qalabka Saadaasha hawada Soomaliya ,waxaana hawada Soomaaliya laga maamuli jiray dalka Kenya.