Itoobiya ayaa Ciidamadii ugu badnaa geysay Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay dhawaan weerar ku qaadeen ururka Al-Shabaab.
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Halgan ayaa sheegay in ay gaareen ciidamo Itoobiyaan oo aad u farabadan kuwasoo loogu talagay in ay caawiyaan ciidanka Itoobiya ee ku sugan deegaankaasi.
Ciidanka Itoobiya oo watay hub iyo gawaarida dagaalka ayaa kasoo ruqaansaday magaalada Baledweyne xarunta gobolka Hiiraan sida ay risaala u sheegeen dadka deegaanka .
Ciidanka gaaray Halgan ayaa la sheegaya in fariisimo ka sameysteen goobaha laga soo galo deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.
Qaar ka mid ah dadka deegaank ayaa cabsi qaba in uu halkaas ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidanka Itoobiya iyo Shabaab waxayna samanaayaan barakac xoogan.


