EURO 2016, HORUDHACA: Belgium vs Italy – Labada xul oo ku kulmaya tartankaaan caawa markii ugu horeysay tan iyo Euro 2000

Eden Hazard iyo Thomas Vermaelen ayaa ka badbaaday dhaawac naxdin ku ahaan lahaa xulka Belgium ka hor furitaanka tartanka Euro kulanka Group E ay ku wajahayaan Italy caawa.

kabtanka Belgium Hazard ayaa laga saaray kulankii albaabada ay u xirnaayeen ee jimcihii xulkiisa kadib dhawac cagta ka soo gaaray.

Laakiin Chelsea weeraryahankeeda, ayaa kasoo dhamaadka xilli ciyaareedkan niyad jab kaga soo dhaqaaqay Stamford Bridge, waxaa filayaa inuu ka soo kabsado dhubaatadaasi ka hor kulanka Italy ee Stade des Lumieres .

“Uma maleynayo, wax helis dhawac ah in aan qabno” Tababaraha Red Devils Marc Wilmots ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Vermaelen, oo shaki bilowgii todobaadkan laga muujinayay xaaladiisa ayaa diyaar ah, ayaa sidoo kale Hazard uu kusoo bilaaban doono kulanka Azzurri.

“Thomas ayaa si wanaagsan uqaatay tababarka waliba in kabadan maalmahii ugu dambeeyay wuxuu diyaar u yahay dagaalka caawa, hadda wax dhibaato dheeraad ah ma dareemayo,” ayuu yiri Wilmots.

Italy ayaa dhanka kale, waxaa hore usoo gaaray dhabar jab dhawac, markii xulkaan laga saaray Marco Verratti iyo Claudio Marchisio.