Home Wararka Xaalada Beledweyne oo saakay degan kadib banaanbaxyo shalay ka dhacay

Xaalada Beledweyne oo saakay degan kadib banaanbaxyo shalay ka dhacay

SHARE

Beledweyne-RisaalaFM- Iyadoo shalay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan uu ka dhacay Banaanbax rabshado watay oo ay dhigeen ganacsatada ku nool gobolka Hiiraan ayaa saakay xaalada Beledweyne waxa ay tahay mid degan.

Banaan baxa ayaa la sheegay in ujeedkiisa ugu weyn uu ahaa sidii wax looga qaban lahaa sicir barar baahsan oo magaalada ka jiray maalmihii la soo dhaafay.

Boqolaal dad oo u badan ganacsatada suuqyada Beledweyne ayaa isu soo baxay waxaana ay socod ku mareen wadooyinka iyagoo qaarkood sameynayay waxyaabo amniga wax u dhimaya.

Dadka banaanbaxa dhigayay qaarkood oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay doolarka oo noqday mid cirka isku shareera, ayna ka shacab ahaan dareemeen saameynta uu ku yeeshay.

Maamulka degmada Beledweyne ayaa arrintaasi islamarkiiba jawaab kulul ka bixiyay iyagoo ku dhawaaqay in la soo qab qabto sariflayaal uu sheegay in ay suuqa soo geliyeen lacag cusub oo aan aheyn tii hore.

Waxaa saakay shaqeynaya goobaha ganacsiga, isu socodka gaadiidka, iyo dhaamaan waxyaabihii kale ee dadka ay isticmaali jireen.

Banaan baxyada noocan oo kale ah ayaa maalmihii u dambeeyay ka soconayay gobolada kale ee dalka. waxaana ay dhamantood salka ku hayaan cabashada maciishadda oo korortay iyo sarifka Lacagaha Qalaad oo cirka isku shareeray.