Cadaado-RisaalaFM- Iyadoo shalay gelinkii dambe ay garoonka diyaaradaha magaalada cadaado ay soo gaareen ciidamo Itoobiyaan ah kuwaas oo ka yimid magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta waxaa la filayaa in magaalada cadaado ay soo gaaraan mas’uuliyiin ka socota dalka Itoobiya.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in gabi ahaan ay la wareegeen gacan ku heynta Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado, waxaana ciidamada ay wateen ilaa iyo 6 Gaari iyo Hub.
Waxaana la sheegay in kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan madaxda maamulka Galmudug, iyadoo ay kala hadli doonaan la dagaalanka argagixisada.
Ciidamada Itoobiya ee gaaray magaalada Cadaado ayaa la sheegay in hordhac u yihiin wafdiga maanta ka imaanaya Itoobiya, si ay uxaqiijiyaan amaanka garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado.


