Home XULKA WARARKA Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweynaha Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweynaha Uganda

SHARE
SOMALIA, Mogadishu: In photograph taken and released by the African Union-United Nations Information Support Team 19 April 2013, Somali President Hassan Sheik Mohamud is seen in his presidential office inside Villa Somalia, the complex which houses the Somali government in the country's capital Mogadishu. Listed in this year's Time Magazine list of the 100 most influential people, Mohamud is president of Somalia's first democratically elected government after two decades of civil war unrest and conflict in the Horn of Africa nation. AU-UN IST PHOTO / STUART PRICE.

Uganada-RisaalaFM- Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gelinkii waxa ay gaareen magaalada Kambala ee xarunta dalka Uganda si uu uga qeyb galo maanta caleemo saarka Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni oo dhawaan shacabka dalkaasi markale ay u doorteen hogaanka dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha dalka Uganda waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka Uganda.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga la socday ayaa xalay  waxa ay ka qeyb galeen casho sharaf ka dhacday madaxtooyada Qaranka Uganda.

Waxaana dhinaca kulamo gaar gaar ah uu la yeelan doonaa madaxda dalkaasi iyo hoggamiyeyaasha kale ee ka soo qeybgali doona caleemo saarka Madaxweynaha dalka Uganda.

Dhowaan ayay aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb galay caleemo saarka madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.