Wiil dhalinyaro ah oo lagu toogtay Muqdisho

Dabley hubaysan ayaa goor dhaw Isgoyska Sanca waxa ay ka gaysteen dil, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Nimanka dilka gaystay oo watay Bistoolado ayaa la sheegay inay dileen Wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Xasan Maxamuud, kaasi oo ka mid ahaa dadka laga yaqaano Isgoyska.

Xuseen Xasan, ayaa la sheegay inuu ahaa nin dhalinyaro ah oo Timo jare ahaa, kaasi oo aanan la ogeyn sababta dilkiisa ka dambeysay.

Raggii dilka gaystay ayaa si nabadgelyo ah meesha uga baxsaday, iyadoo aysan suuragalin in gacanta lagu soo dhigo, dilka kadibna goobta waxaa tagay ciidamada ammaanka.