Weerarkii Hotel Naaso Hablood one oo la Soo Afjaray

Wararka naga soo gaaraya Hotelka Naaso Hablood 1 ayaa sheegaya in la soo afjaray dagaalkii ka socday gudaha Hotelka Naaso Hablood.

Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan Howlgal ay ka fuliyeen Hotelka Naasa Hablood One ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Hay’adda NISA oo howlgalka Hoggaaminayay ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA, u Xaqiijiyay in Ciidamada ay si buuxda ula wareegeen Ammaanka Hotelka, halkaas oo galinkii Dambe ee maanta ay gudaha u galeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Shabaab .

Gudaha hotelka ayaa ciidanka dowladda Soomaaliya waxay ka wadaan howlagalo lagu xaqiijinayo amniga hotelka