Warar hor u dhac ah oo ay heshay idaacadda Risaala ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 qof meydkood laga qaaday Afaafta Hore ee hotelka Naasa Hablood 1.
Sidoo kale wararka hor udhaca ayaa sheegaya in qaraxii labaad u sababay khasaaro farabadan oo aan wali la ogaan tiradooda dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay.
Qof ka mid ah Shaqaalaha isbitaalka Madiina ayaa Risaala u sheegay in isbitaalka la keenay dhaawacyo kor u dhaafaya 30 qof.
Wararka ayaa sheegaya in dadka dhaawaca ay isku jiraan dadkii shacabka ahaa goobta maarayey iyo sidoo kale ilaaladii hotelka Naasa hablood.


