QM oo Cambaareysay Weerarkii Hotel Naaso Hablood ee Muqdisho

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya  Michael Keating ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Hotelka Naaso Hablood ee magaalada Muqdisho.

War kooban oo uu  kusoo qoray bartiisa Twitter ayuu ku sheegay in uu ahaa weerar   naxdin badan oo ay  Qaramada Midoobe si aada uga naxday waxuuna sheegay in uu tacsi u diraayo dadkii ku dhintay weerarkaasi.

Michael Keating ayaa ku tilmaamay weerarkii hotel Naaso Hablood 1 mid bahalnimo ah.

Shalay galinkii dambe ayaa weerar xoogan lagu qaaday hotelka Naaso Hablood oo ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,waxaana ka dhashay khasaaro aad u farabadan.