Muqdisho-RisaalaFM- Waxgaradka iyo Odayaasha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa si kulul ula hadlay dowladda Soomaaliya, ka dib markii ay ka baaqsatay in ay kala dhex gasho dagaaladii 5-ta maalmood ka socday gudaha magaaladaas.
Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah Waxgaradka Beledweyne ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in aysan waxba ka qaban dagaalada iyo fatahaadaha ka jira magaalada Beledweyne.
Ugaaska ayaa sheegay in ay dawladda Itoobiya oo kaliya gurmad deg deg ah u fidisey, kaas oo waliba ahaa awood ciidan oo ay ku kala dhexgaleen labada dhinac ee dagaalamay, sidaas oo kalena ay gaadiidkooda dagaalka ku caawiyaan si dadweynaha looga saaro guryihii ay ku go’odoonsanaayeen.
Waxgaradka ayaa sidoo kale sheegay in ilaa iyo hadda aysan waxba gurmad ah ka helin dowladda, waxa ay sheegeen in ay Hiiraan dib u Midoobi doonaan oo ay hadda arkeen wajiga dhabta ah ee dawladda Soomaaliya.
Siyaasiin badan ayaa horey udhaliilay dowladda Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay ogeyd dagaaladii ka dhacay magaalada Beledweyne oo ay qeyb ka ahayd.


