Hannaanka waxbarasho ee dalku iyo barbaarinta qofku waxay qayb ka yihiin sababaha keena in dhalinyaradu tahriib iyo safaro halis ah ay u galaan sidii ay wax u soo saaran lahaayeen.
Sababta aan sidaas u leeyahay hanaanka waxbarasho ma aha mid dadka ku dhiirri galiya inay wax la soo baxaan oo ay shaqaystaan taasina waxay sababtaa in uu soo saaro 25 jir aan waligiis dhididkisia dhadhamin kuna tiirsan waxa ay soo saaraan waalidkiis oo sidii loogu billaabay yaraatiisii illaa hadda oo uu jaamacad ka baxay waxkasta loo diyaarinayay.
Shaqaysi la`aantaas iyo kutiirsanaantaas waalidka waxay keentay inuu gaaro heer uu yiraahdo naftayda halligeedda hala igu gacan siiyo oo dhimashadayda lacag hala igu taageero.
Waa run dooddaada haddii aad ku fakaraysid in dad waawayn oo shaqaystaba ay baxaan oo ay tahriibaan laakiin taas laf ahaanteeda waxaa saamayn ku leh tarbiyaddii hore oo aan la barin hal abuurnimo iyo inuu waxsoo saar la yimaado.
Ugu yaraan haddii marka uu jaamacadda dhiganayo uu galin shaqayn lahaa haba yaraatee way wanaagsan lahayd, haddii uu dugsiga sare ku billaabi lahaa shaqadaasna ka si wacnaan lahayd, heerka dugsiga dhexe haddii uu ku billaabi lahaana kasii wanagasanaan lahayd.
Dadkeennu ma bartaan wax la xidhiidha shaqooyinka suuqyadeenna yaalla oo shaqada iyo waxbarashada waxay u kala haystaan inay laba qaybood kala yihiin, waxayna ku hammiyaan inay si fidid oo dag dag ah horumar ku gaaraan, sababna waxaa u ah qaabka waxrashada iyo baarinta qofka.
Mahad Jama Korono


