Wararka inaga soo gaaraya magaalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in gaari Caasi ah oo ay saarnaayeen dad siday Qaad lala beegsaday qarax.
Waxaana la sheegay in qaraxaasi uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dad goob joogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in goobta uu qaraxa ka dhacay ay tahay meel ay dad badan ka akdhowaayeen.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan.
Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa loola cararay goobaha caafimaad ee halkaasi ka dhowaa.
Maamulka Shabeellaha Hoose ayaanan wali ka hadlin dhacdadan, iyadoo maalmihii udambeeyay ay magaalada Marko ay ku dagaalamayeen beelo halkaasi wada dega.


